Maxaad ka taqaanaa Xanuunka HIV/AIDS!
Sunday, 05 September 2010
 
 
Dalada SAHAN Oo Shaaca Ka qaaday Shirkedii Shanaad PDF Print E-mail
Written by Qaasim Ismail ( I.T Officer )   
Saturday, 15 November 2008

 

Dalada SAHAN waxay wada shaqayn la leedahay SOLNAC.Dalada SAHAN waxay ku Farxasan tahay shacinaysaana qorshaheeda ku aadan shirka shanaad ee dalada SAHAN Oo ka dhici doona caasimada jamhuuriyada Somaliland (hargaysa) laga bilaabo 24 ilaa 26 bisha kow iyo tobnaad (November) 2008 mawduuca shirkuna wax uu ahaan donaa

(In Laga Wada Shaqeeyo Sidii Loo Heli lahaa Bulsho Ka Fayaw HIVAIDs) hadafka Ka dambeeyana waa in la taagero kulanada ku waajahan HIVAIDs iyo inta ku lug lehba Ka shaqaynta HIVAIDs si ay u mideeyan ugana wada hadlaan mawduucyada mihiinka ah, si loo eego xaalada cudurka ee dalka .

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo kor u kac oo xaga HIV/AIDska baadhitaanadii uga Dambeayay ee la qaadayna waxay sheegayaan wajiyo cusub taas oo u baahan in si Macno leh looga jawaabo loona waajaho .

Hadaba in shirka sanadkan loo shaaciyo si qalabaysan .

SAHAN oo ay la shaqaynayso SOLNAC waxay ku guulaysatay in ay qabato shirarkii ka Horeyay kuwan 2004 – 2007 shirarkaas oo soo jiitay in ka badan 100 qof indhahooda oo ahaa waftiyo ka kala yimi ururada hoosyimaada SAHAN iyo haayadaha caalamiga ah iyo qaybaha kala gadisan ee dawlada ,hadaba waxay dalada SAHAN horumarinaysaa Qabashada shirarkan oo kale siina wadaysaa meelna iska dhigaysaa la dagaalanka HIVAIDs.

Hadaba dhiiri galinta shirarkan caalamiga ahi waxay kor u qadayaan xidhiidhada iyo Akhbaar wadaaga farsamo ee ururada dalka. mawduucyada la samaynaayo inta uu shirku Socdo waxay caawinaysaa in la dhiso go,aan siyaasadeed oo HIV/AIDska dalka lagu Hago iyo hab sal u noqda gudiga taagerada u doodida ururada bulshada ,faaiidada ka soo Baxaysa shirkana waxay ahaan doontaa mid ay aqoonsadan dhamaan (stakeholders) si ay u sheegan aqoon iswaydaarsiga ka jawaabaya mustaqbalka HIV/AIDs .

SAHAN waxay taageeraysaa dhiirigalinaysana xubinnimada ka soo qaybgalayaasha iyo Gudi la aasasidoono si ay u arkaan qorshaha iyo hadafka shirka .

Shirku waxa uu ku dhici donaa wada shaqaynta komishanka la dagaalanka HIV/AIDska (SOLNAC)

Iyada oo qayb ka ah balaadhinta qorshaha xidhidhka caalamiga ah .

 

Last Updated ( Saturday, 15 November 2008 )
 
< Prev   Next >

Polls
Intee in leeg ayaad ka Taqaan Xanuunka HIV/AIDS?
 
Who's Online
We have 6 guests online
 
Design by Somaliland Software!
Top! Top!