Maxaad ka taqaanaa Xanuunka HIV/AIDS!
Sunday, 05 September 2010
 
 
SAHAN oo Xog Ururin Balaadhan Ku Samaysay Ururada Hoos Yimaada. PDF Print E-mail
Written by Qaasim Ismail ( I.T Officer )   
Sunday, 29 June 2008
Sample Image 

Hargeysa(Sahan.org) Dallada Somaliland HIV/AIDS Network ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaan SAHAN waxay sadexdii wiig ee ugu dambeeyay samaysay  Xog ururing ay ugu talo gashay inay ku ogaato heerka waxqabad ee ururada dallada “members” ah ama xubnaha ka ah,

hadaba xog ururintan oo ka bilaabantay magaalada hargeysa taariikhdu markay ahayd 17-04-2010 soona gabagawday markay taariikhdu ahayd 12-05-2010 taas  oo ku soo gabo gaboowday gobolka awdal oo ahaa gobolkii ugu dambeeyay iyadoo dallada SAHAN ay soo wada martay dhamaan gobolada Somaliland sida Maroodijeex Togdheer, Sool Sanaag iyo  Saaxil iyo Awdal .

Photo: Sawirka Bidix Ahmed oo Booqday ururka MRG, Sawirka midig Abdirahmaan oo booqday ururka says ee gobolka AWDAL

 

Hadaba dallada SAHAN waxay soo tirakoobtay in kabadan 84 Urur kuwaas oo dhamaantood xubno ka ah dallada SAHAN, iyadoo tirakoobkaasi ama xog ururintaasi ay sidii loogu talo galay ku soo dhamaatay  intaas waxa dheera iyadoo ururkast lagu booqanayay xafiiskiisa ,ujeedadiisuna ahayd in lakla hubiyo in uu shaqaynayo iyo in kale ,

  UJEEDO:  

Ujeedada ugu wayn ee dallada SAHAN ay ka lahayd xog ururintan waxay ahayd:-

inla ogaado ururada dhabta ah ee ka shaqeeya HIV/AIDS

inlasoo hubiyo heerka xafiiskoodu uu awood u leeyahay inuu ku fuliyo hawlaha HIV/AIDS

In la xaqiijiyo heerka aqoon iyo xirfad ee shaqaalaha ka shaqaynaya ururada

in sidoo kale la ogaado in ururkani yahay mid shaqaynaya ee aanu noqon mid magac ah.

in sidoo kale lasoo hubiya qalabka xafiiska yaalla inuu yahay mid dabooli kara baahiyaha ururka.

in lagu kala saaro ururada xubnaha ka ah dallada ilaa afar qaybood oo kala ah qaybta kaalinta koowaad, kaalinta labaad,kaalinta sadexaad iyo kaalinta afraad.  Si loogu saleeyo wada shaqaynta la layeelan doonoo mustaqbalka.

 

 

 Gabo Gebo:-  

 Ugu dambayntii waxaay xog ururintaasi noqotay mid sifiican ku soo dhamaatay isla markaana sidii loogu talo galay ku soo dhamaatay waxaana safarkaa xog ururinta si dhab ah ula socday una maamulayay gudoomiyaha dallada SAHAN Nafisa  yuusuf Mohamed iyo Agaasimaha dallada SAHAN Anwar Abdurahmaan Warsame iyo waliba boardka dallada SAHAN  oo runtii dhamaantood  muujiyay masuuliyad aad u heer saraysa iyagoo dhamaanba soo wada kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan dhamaan ururada Xubnaha ka  dallada SAHAN marka laga reebo ceerigaabo oo markii safarkeeda loo diyaar garoobay loogu yeedhay hawlo dhinaca shaqada ah.

  

Guntii iyo gabo gabadii waxaa iyagana aan la ilaawi Karin hawshii masuuliyaddu ku dheehneed ee ay qabteen shaqaalaha dallada SAHAN iyadoo ay ka qayb qaateen ilaa 10 kamid ah shaqaalaha dallada SAHAN waxaanay si hagar la’aan ah uguteen hawshii loo igmaday

 
Last Updated ( Monday, 28 June 2010 )
 
< Prev   Next >

Polls
Intee in leeg ayaad ka Taqaan Xanuunka HIV/AIDS?
 
Who's Online
We have 2 guests online
 
Design by Somaliland Software!
Top! Top!