| Dalladda SAHAN Oo Bilowday Barnaamij ay Ku Qiimaynayo Tayadda Ururadda Hoos Yimaadda. |
|
|
|
| Written by Qaasim Ismail ( I.T Officer ) | ||||||||
| Sunday, 29 June 2008 | ||||||||
Barnaamijkan oo la ibo-furey Daba-yaaqada Bishii April, isla markaana socon doona horraanta bishan May, waxa kale oo barbar socda/socon doona Wacyigelin ku saaban khatarka uu cudurkani u leeyahay aadama iyo siyaabaha loo xamayn karo ama looga hortegi karo, kaasoo halku-dhigiisu yahay wax-ka-bedelka Dabeecadaha/Dhaqanada Dadka ama Behavior Change Communication (BCC). Dallada SAHAN oo u taagan wax-ka-qabashada iyo xakameynta xannuunka aafadda ah ee HIV/AIDS waxay Gobolada ka qabatay tabobaro lagu bixiyey/bixin doono casharo aad u muhiim ah oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa isla markaana looga hortegi lahaa xannuunkan dilaaga ah.
Madaxda Dallada SAHAN oo toddobaadkii hore socdaal hawleed ku marayey Gobolka Saaxil, ayaa dadweyne ay kulan u qabteen uga warramay faa’idada ay duruustii ay qaateen u leedahay iyo sida loogu baahan yahay in lagu dhaqmo laguna dabaqo habsami-socodka nolosha bulshada. Agaasimaha Dallada Sahan Mr. Anwar C/raxmaan Warsame oo ka hadlayey arrintaasna waxa uu yidhi; “Waxaanu halkan idiinka soo gudbin doonaa casharo aad u qiima badan, laakinse waxaanu idinku dardaaraynaa in aanay noqon qaar la dhegaysto uune ay noqdaan qaar aad idinkuna ku camal fashaan, bulshada kale ee aad wax kud dhaantaana u gudbisaan, iyadoo ay Shareecadda Diinta Islaamku ay dhigayso in uu qof kastaa uu walaalkii u gudbiyo wuxuu ku dhaamo, wallow kelmadna ha ahaatee.”
Gudoomiyaha Dallada SAHAN Marwo Nafiisa Yuusuf oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa bogaadisay dadkii ka soo qeyb-galay aqoon isweydaarsigaas, waxana ay kula dardaaran tahay inay xil iska saaraan sidii ay bulshada kale ugu gudbin lahaayeen aqoontii ay halkaasi ka korodhsadeen, waxana hadaladeedii ka mid ahaa: “Sida aynu wada ognahay Xannuunka HIV/AIDS, waa xannuun ka jira wadankeena una baahan in aynu samayno ka hortag, kana wacyigelino bulshadeena in ay iska ilaaliyaan siyaabaha badan ee lagu qaadi karo, waxa kale oo aynu bulshadeena ka Codsanaynaa in aan la takoorin, lana faquuqin dadka la nool xannuunkan, waayo waa dad tabcaansan oo u baahan in la gargaaro, allena inoogu naxariisanayo, dadkuna aanay u arag uun in xanuunka lagu qaado wado xun ee uu qofka u asiibi karo siyaabo kale oo badan.”
Sidoo kale Dallada SAHAN waxay barnaamijkan ka hirgelisay Gobolada Maroodijeex, Togdheer, Sanaag, Sool, iyada oo ay u qorsheysan tahay inay maalmaha fooda inagu soo haya ka fuliso Gobolka Awdal
|
||||||||
| Last Updated ( Saturday, 08 May 2010 ) | ||||||||
| < Prev | Next > |
|---|












